Wararka nagasoo gadhay gudaha Ogadenia ayaa sheegaya in maleeyshiyaadka Liyuu Boliska ay oday wayeel kudileen degmada Birqod ee gobolka Jarar.

Dilkan ayaa dhacaay kadib markii muran dhex maray sarkaal katirsan maleeyshiyaadka Liyuu Booliska iyo marxuumka Xassan Bashir. Xogtan aan helnay ayaa sheegaya inuu sarkaalka sii toos xabad ku dhuftay marxumka.

Sarkaalka waa la qabtay kadib markii oo isku dayey inuu baxsado. Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.