Wararka nagasoo gadhaay gudaha Ogadenia ayaa sheegaya in maleeyshiyaadka Liyuu Booliska oo ku sugan gudaha degmada Shilaabo ee gobolka Qoraxay, waxaa maanta jirdil xoogan u geysteen wiil dhalinyaro oo waxba galabsanin oo la yidha Maxamed Guhaad.

Dhibane Maxamed Guhad oo ah wiil dhalinyaro ku caan degmada Shilaabo ayaa la kulmay jirdil kadib markii ay maleeyshiyaadka  Liyuu Booliska ay sii naxariis la’an u garaceen iyo dhawaac xoggan u geysteen.

Maleeshiyadka Liyuu Booliska oo ah calooshood ushaqaysteyaal loo carbiyay xasuuqa shacabka Soomalida Ogadenis ayaa dhibaato caqliga bini,aadamku qiyaasi karin ugaystay shacabka, waxayna wali usii oo manyihiin dhiiga shacabka aan waxba galabsan ee Gumaysiga Itoobiya ku hoos jira.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.