Wararka nagasoo gaadhaya gudaha Ogadenia gaar ahaan dagmada Baabili ee gobolka Faafan ayaa waxay sheegaya in Maleeshiyaad hubaysan oo Oromo ah ay weeraro ku hayaan dad shacab soomaaliyeed ah oo ku dhaqan Baabili iyo agagaarkeeda.

Dad kusugaan degmada Baabili oo kamida dhulkii Somalida sida xaqdarda ah maamulka Oromada loo hoos geeyay ayaa sheegay inay maleeyshiyaadka Oromada xasuuqeen 3 Qof oo Somali ah iyo tira ka badaan oo dhawaac garaay. Shacabka Somalida oo dhawaac garaay waxaa la geeyay isbitaal kutallo magalaada Jigjiga siidi ay sheegan Qar kamid dadka oo kusugaan degmada Baabili.

Sidoo kale Maleeshiyaadka Oromada ayaa waxay cagta mariyeen meherado ay Soomaalidu ku lahaayeen magaalada Baabili waxay sidoo kale bur buriyeen hanti badan oo dad shacab ah lahaayeen.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.