Wararka nagaa soo garaaya gobolka Fafaan ayaa sheegaya inay Maleeyshiyaadka Oromada xalay kuso duleen tuulada Ceelmaal oo hoos imaado degmada Tuliguuleed.

Goobjoogyal ayaa idacaada Halgan Media u xaqijiyay inay Oromada xalay weerar kuso qadeen tuulada Ceelmaal, kadibna shacabka Somaalida ku dhaqaan tuulada ayaa iska caabiyay dulaanka.

Dhanka Somalida khasaare kama daliin dagaalka darteed lakiinnse waxa la xaqijiyay inay Oromada ka baxeen tuulada Ceelmaal dagaalka kadib.

Weli maa jiro war kasoo baxaay mamuulka Mustafa Cagjar ku aadan dagaalka, waxaana aad usi bataay muddadi u dambeyay weerarada ay Oromada kuso qadaan Tuliguuleed iyo tuuloyinka ku hereraysan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.