Wararka nagasoo gadhay gudaha Ogadenia gar ahaan gobolka Fafaan ayaa sheegaya Maleyshiyaadka Oromada ayaa sii arxan darro uu gowraceen muwadiin Somaliyeed inta udheexeyso magalaada Jigjiga iyo degmada Tuuliguleed.

Wariyaal kusugaan gobolka Fafaan ayaa idacaada Halgan Media uu xaqijiyay in marxuumka magaciis ahay Cabdisalam Khadar Abiib. Marxuumka la dilay wuxuu xalay habeenkii kasoo baxay magalaada Jigjiga asaga oo u socdo degmada Tuuliguleed, ayey maleeyshiyaadka Oromada jidka uu galeen babuurka oo sarnaay Cabdisalam Khadar Abiib iyo kadib gaadhiga kala degteen.

Maalinta kadib oo tariikhda aheed 30kii biishi November ayaa meydka Cabdisalam laga helay inta udheexyo Tuurcannod iyo Geelboob oo la gowracaay iyo madaxda iyo lugaha laga jaraay. Xasuuqda tacadiyada ay maleeyshiyaadka Oromada  kuhayaan shacabka Somalida ku dhaqaan xaduudka udheexyo Ogadenia iyo ismamuulka Oromada ay sii kordhay labada saano udhambayay.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.