Wararka nagasoo gaadhaya magalaada Kismayo ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in laga xusaa Maalinta Dhallinyarada Adduunka, Boqollaal dadweyne oo ka Kala Yimi Xafadaha Magalada Kismaayo ayaa is kugu soo baxay Waddooyinka Waaweyn Ee magaalada iyagona socod Dheer ku Soo Maray Wadaha Dheer Ee Laamiga Ee Magalada Kismayo.

Wasiirka wasaarada dhalinyarda iyo ciyaaraha Dowlad Goboleedka Jubbaland kooxda Baambayda Ururada Dhalinyarada Jubbaland ayaa Socod Dheer ku Soo Maray Wadada Halbowlaha u ah Kismayo.

Munaasabad Lagu xusayay Maalinka Dhalinyarada aduunka xuska ayaa Waxaa ka Hadlay Gudoomiyaha dhalinyarada Gobolka Jubbada Hoose Axmed Maxmed Takhal waxa uuna sheegay in maalinka ay tahay maalin loo asteeyay dhalinyarada Haddii aan nahay Dhalinyarada Soomaaliyeed Gaar ahaan dhalinyarada Jubbaland in aan Garab istaagno ciidanka sidoo kala loo Baahanyahay in aan Gacmaha is qabsano Si Dalka Horumar uu u Gaaro.

Cabdi-wahaab Bilaal waa Gudoomiyaha Golaha Dhalainyarada Jubbaland oo isna Dhankiisa ka Hadlayay Munaasabda ayaa waxa uu sheegay in Manta ay tahay malin ku Weyn Dhalinyarada aduunka Loona Bahan Yahay in Dhalinyarada Door Muuda Laga Siiyo Hogaanka Dalka.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.