Istiraatijiyadda xisbiga ONLF waa raadinta xaquuqda dadka iyo dalka iyo adkaynta midnimada soomaaliyeed oo ah lamataabtaan ilaalinta hantida umadda dhowrista xorriyatul qawlka xaqiijinta cadaaladda iyo furfuridda siyaasadda u hogaansanaanta rabitaanka shacabka, mamnuucidda kalasaraynta.
Mabaadii,da guud ee xisbigu waa diinta islaamka xaqiijinta doorashooyinka xorta ah, kor u qaadista daryeelka bulshadda, kobcinta dhaqaalaha dalka, wanaajinta siyaasadda dibadda, u gurmashada dadka kutabaalooba abaaraha iyo aafooyinka dabiiciga ah, iskaashiga lala yeesho cidkasta oo aan isku aragti nahay iyo in laga fogaado u adeegida danaha shisheeyaha, danta xibigani waa xisbi ka turjumaya rabitaanka shacabka, xisbigani wuxuu ka kooban yahay shacabka soomaaliyeed inta isku aragti ah oo dhan, wuxuuna ka madax banaanyahay qabyaalada siddoo kale wuxuu ka soo horjeedaa gumaystaha iyo fikirkiisa, wuxuuna raadin hayaa ka gu’itaanka gumaysiga Itoobiya iyo helida Dawlad madax banaan oo u adeegta danaha shacabka dulman ee wadanka Ogadeniya.
Xisbiga ONLF wuxuu rabaa inuu shacabku ka baxo afduubka siyaasadeed siyaasiguna waa inuu helaa codka shacabka si uu u helo awood uu ku shaqeeyo oo uu isku halayn karo, si loo helo codka shacabkana waa in la qanciyaa shacabka, waxaana looga baahanyahay siyaasiga xil ka haya ONLF inuu karti, daacadnimo iyo amaano ku sifoobo, taasna waxaa lagu heli karaa hadii siyaasigu si daacad ah uga run sheego shaqada uu u hayo umadda.
Hadaan nahay xisbiga ONLF waxaan doonaynaa inaan ogaano rabitaanka shacabka, kadibna waxan balanqaadaynaa inaan ku hogaamino waxa ay dadku nagula balameen, waxaana u doodi doonaa xuquuqda shacabka soomaaliyeed mabda,a xisbigu waa jamhuuriyad soomaali ah oo midowda iyo dalka Ogadeniya oo ka xor ah gumaysiga Ethiopia.
Xisbiga ONLF wuxuu difaacayaa dhamaan hantida shacabka soomaaliyeed oo ay ka mid tahay diinta islaamka, xisbigan ONLF siyaasadiisu ma aha inuu lahaado shacabka ee waa in shacabku leeyahay xisbigan, xisbigani wuxuu mar walba la tashan doonaa shacabka Soomaaliyeed ee wadanka Ogadeniya udhashay, xisbiga ONLF wuxuu ku tiirsan yahay talooyinka iyo fikirada wanaagsan ee qof walba oo Soomaaliyeed.
Tastuurka xisbiga ONLF waa mid waafaqsan wadaniyad iyo isjacayl shacabka soomaliyeed ee muslimka ah iyo ilaalinta qiyaamka sharciga islaamka, qof kasta oo soomaali ah ayaa ka qayb gali kara xisbiga ONLF, xubnaha xisbiguna waxay ku shaqaynayaan mutadawacnimo, inta uu xisbigani ka gaadhayo xoriyad taam ah waa inay xubnihiisu u adkaystaan duruuf kasta oo lasoo gudboonaata, waxaana ladoonayaa in la adkeeyo samirka.
Hogaanka xisbiga ONLF wuxuu ku yimaadaa doorasho xor iyo xalaal ah, cadaaladuna waa halku dhaga xisbigan ONLF, aragtida xisbigu ka qabo soomaalinimada waa inuu qofku yahay Soomaali ama labadiisa waalid midkood yahay soomaali meeshuu doono ha ku dhashee.
W/Q: Liban Miyir Abdi (Kulmiye)
Liibanabdi29@gmail.com