Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegtay inay duqeyn ku dileen sedax ruux katirsan Xaraakada Al Shabaab.

Qoraalka soo baxay taliska Milatariga Maraykanka ee qaarada Africa ayaa lagu sheegay in duqeyntan ay ka dhacday degaanka Bangeeni oo katirsan gobolka Jubada Hoose.

Horay sidan oo kale Mareykanka ayaa duqeymo waxa ay ugaga geysteen deegaano ka tirsan dalka Soomaaliya iyadoo qaar kamid ah duqeymaha ay geysteen ay wax-yeelo ka soo gaartay dad rayid ah.

Maraykanka ayaa horey loogu eedeeyay in dad rayid ah ay ku dileen duqeymo ay ka fuliyaan dalka Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.