Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay xoojineyso howlgallada dhanka cirka ah ee ay diyaaradaheeda aan duuliyaha laheyn ka fuliyaan dalal ay ku jirto Soomaaliya.

Warbixin ka soo baxday C.I.A-da Mareykanka ayaa lagu sheegay in dowladda dalkaasi ay yarayneyso Ciidamadooda lugta ah ee ka dagaalamaya Africa, islamarkaana ay u weecineyso xoojinta duqeymaha diyaaradaheeda ay fuliyaaan Qaaradda Africa.

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay in dadka rayidka ah ee ku geeriyooday duqeymaha Mareykanku uu ka geystay Soomaliya, tan iyo sanadkii 2013-kii ay gaaraayan 22 illaa iyo 37 Qof oo shacab ahaa.

Ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya ayaa saldhig milatari ku leh xerada Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkasai oo ay ku sugan yihin in ka badan 500 oo Askari, kuwaas oo garab siiya Ciidamada milatariga Soomaaliya.

Hadalkan ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa imaanaya, xilli Xarakada Al Shabaab muddooyinkii dambe ay kordhiyeen weerarada xoogan ee ay ka fuliyaan gudaha dalka.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.