Taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan Africa ee Africom ayaa sheegay inay duqeyn cusub oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ay ka fuliyeen degaanka Kuunya Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose, 17-kii May.
Qoraal kasoo baxay Africom ayaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu dilay laba dagaalyahaan ka tirsan xarakada Al Shabaab.
Horay sidan oo kale Mareykanka ayaa duqeymo waxa ay ugaga geysteen deegaano ka tirsan dalka Soomaaliya iyadoo qaar kamid ah duqeymaha ay geysteen ay wax-yeelo ka soo gaartay dad rayid ah.
Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe waxa ay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan saldhigyada Shabaab ay ku leeyihiin Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Shabakda Halgan Media.