Markabkii ugu horreeyey ee laga leeyahay Itoobiya ayaa ku xirtay dekadda Eritrea ee Masawa 20 sano ka dib, sida ay Twitterka ku qortay warbaahin xiriir la leh dawladda.

Raysal wasaaraha gumeysiga Itoobiya Abiy Axmed ayaa hadda ku sugan dalka Eritrea, isaga oo wadahadal la leh madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, ka dib markii labada masuul ay bishii Luulyo kala sixiixdeen in la soo afjaro colaadii dhex taalay labada dal.

Itoobiya oon bad lahayn ku doonayso in ay ku adeegsato dakadaha Eritrea markii u horraysay tan iyo markii uu qarxay dagaalkii xadka u dhaxeeyay ee labada dal dhex maray intii u dhaxaysay 1998 ilaa 2000, kaas oo galaaftay tobannaan kun oo ruux.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.