Halgan Media Editorial Board

Maxaa ka socda Itoobiya ? Xagey wax u socdaan? Yaase jilaya ciyaarta?*
3 July 2020

Waxaa hubaal ah xaalad cusub & walaac Ree-Galbeedka ee xaaladda dalka Itoobiya. Ma jirto cid dooneysa in dalku burburo, waxaase hubaal ah in madaxda dalku baal mareen dhabihii lagu badbaadin lahaa!

Dilka Hachalu Hundessa wuxuu u muuqdaa mid qorsheysan, kana dambeeyeen qolo nidaamsan. Oromadu waxay ku eedeeyeen Axmaaro & Abiy, halka dad kale farta ku godayaan Oromo dhexdeeda. Ujeedada ka dambeysa dilka ayaan caddeyn. Waxaa iska caadi ah in marka arinkanoo kale dhoco, in lagu hoos-wado guluf ciidan, mana muuqdo, aan ka ahayn ka hor-taggaa xoogaga Oromada mudaaharaadaya.

Way adag tahay in la ogaado xaqiiqada & waxyaabaha ka socda dalka. Warka kaliyee la hayo ayaa ah kan Booliska Dowlada Dhexe & Xeer-Ilaaliyaha Guud ku sheegeen in la xidhay 35 shakhsi oo Oromo ah uuna ku jiro Jowhar Siraaj Maxamad. Warbixinta waxaa lagu sheegay in Jowhar qorsheynayay dil-qorsheyan sida dilkii madax Axmaarada & Tigray 22 June 2019 & inuu abaabulay dhalin-yarada Oromada asagoo khal-khal galinayay dalka. Ku-Xigeenka Booliska Zelalem Mengiste wuxuu sheegay “in Jowhar doonayay inuu laayo madax maamulka Oromada waana sababta loo xidhay”. Waxaa kale warbixintu sheegtay inuu Jowhar hub la soo galay Xarunta Dhaqanka Oromada halkaa oo uu shir uga socday madaxda maamulka Oromada.

Ku-Xigeenaka Boolisku wuxuu sheegay inaaneyn ogeyn sida ilaalada gaarka ah ee Jowhar ku heshay 8 Kalashnikov, 5 bastooladood & 9 qalabka isgaadhsiinta. Waxaa kale oo uu sheegay inay eegayaan dilkii 97 qof oo Axmaaro u badnaa lagu dilay Octoober 2019 dilkaa oo dhacay kadib markuu Jowhar qoraal soo dhigay Facebook.

waxaana sii kordhaya nacaybka Axmaarada. Talaadada waxaa Addis Ababa gacmaha (dhagxaan) isku garaacay Oromada & Axmaarada. Oromadu waxay sheegeen inay Axmaaro uga dhamaatay deegaanka Oromiya & in wixii Axmaaro joogay Oromiya ku carareen xeryaha ciidamada. Axmaaradu waxay sheegeen in ugu yaraan 95 Axmaaro ah lagu dilay deegaanka Oromiya.

Mucaaradka Oromadu waxay seegayaan in Jowhar ku xidhan yahay Xabsiga “Aqaaqi” dad badanna u yaqaanaan “Garjeelle” waana halka uu ku xidhan yahay Cabdi Maxamuud Cumar. Axmaaradu waxay sheegayaan in haddii la sii daayo Jowhar uu samayn doono xoogag hubaysan oo khatar ku ah Kirishtaanka & ciidanka qaranka, marka muhiim tahay inuu xabsi ku raago ama dal kale loo musaafuriyo.

Wada shaqayan & ilma Oromo ayaan nahay way dhamaatay, ninkii roon uunbaana reerka u hadhi. Nimanka Oromo hogaanka u haya oo ah Protestant Christian “Bente” askar & nabad-sugid, kana soo jeeda galbeedka & Shewa, taageerana ka helaya Axmaarada, waxay dheelayaan ciyaar si wanaagsan loo diyaariyay, waxaana ka go’an in Oromo Muslim ah (gaar ahaan Caruuso & Hararghe) aanu qabanin hogaanka Oromada, waana sheekada ka dambeysa inay qaarkood (Lemma, Abadula, Takele) is-casilayaan!

Axmaaradu waxay isha ku haysaa kooxda Oromada ee ciyaarta jilaysa waana Takele Uma, Lemma Megersa, Abiy Ahmed, Abadula Gemeda & Shimelis Abdisa oo dhammaantood ah Protestant Christian marka laga reebok kan dambe. Kooxdan waxaa haysta laba dhibaato, inay u gacan-galaan Axmaaro ama Oromo Muslim, kan hore ayaana u sahlan!

Labada dhinac ee Oromadu waxay aaminsan yihiin inuu guuleysan dhinaca Soomaalidu taageerto, waxayna doonayaan inay dhibaato ka abuuraan Diredhabe & Soomaalida soo galiyaan loolanka dhexdooda ah, waana arin kaharteeda leh.

Hadduu xaalku sii socdo waxaa iman kara xal siyaasadeed oo nabad keena ama xal la’aan & qalalaase & inuu dalka oo kal xidhma, kala jab ciidanka qaranka, dilal qorsheysan & barakac nidaamsan. Meesha kaliyee shacabka Oromada & Axmaaradu ku helayaan ammaan & nolol ayaa ah Kililka Soomaalida. Su’aasha ayaase ah Kililka Soomaalida & guud ahaan Soomaali ma xamili karaan kumanaan ku soo qaxda? Maamulka Kililka Soomaalida wax saameyn ah kuma xaalada dalka, waxayna amar ka sugayaan Abiy. Waxaa haboon in Soomalidu tashato, lana imaato qorshe lagu waajahayo xaaladaa Itoobiya & khilaafka Oromada dhexdeeda ah!

Halgan Media.