Wararka naga soo gadhaaya magalaada Maqaale ee ismamuulka Tigreega ayaa sheegaya in kooxda TPLF ay soo gabagabeeyey kulan ka dhan ah Dowlada Federalka Itoobiya, waxayna soo saareen Qodobadan Hoos ku Xusan.

  • Waxay xukuumada Abiy Ahmed iyo xisbiga Ethiopian Prosperity Party (EPP) ku eedeeyeen inuu isku dayayo inuu xilka ku dheereyso sifo aan sharci ahayn oo ka baxsan Dastuurka.
  • Waxay Hoosta ka xariiqeen iney sharci daro tahay dadaalada xisbiga Ethiopian Prosperity Party (EPP) wado ee lagu turjumayo ama lagu fasirayo Dastuurka, waxayna ku baaqeen in si degdeg ah loo joojiyo Shirarka Sharciga baalmarsan ee Xisbiga Ethiopian Prosperity Party (EPP) ugu yeedhay Turjumaada Dastuurka.
  • Waxay ku baaqeen in la yagleelo hanaan dhamaan xisbiyada dalka talada lagaga qayb galinayo si wadanka looga badbaadiyo dhibaato ku timaada.
  • Waxay sheegeen ineysan jirin Fursad Xisbiga Talada haya ee Ethiopian Prosperity Party uu dalka kusii Hogaamin karo waxa ka dambeeya 25-ka Meskarem.
  • Waxay ugu baaqeen Golaha Wakiilada Shacabka iyo Golaha Federation dalku iney Joojiyeen ficilada lagu burburinayo Dastuurka ee Sharciga baalmarsan ee ay ku hawlan yihiin Xisbiga Ethiopian prosperity party.
  • Gudiga Fulinta xisbiga TPLF Ayaa ansixiyey iney qabsan doonaan doorasho heer deegaan ah oo wakhtigeedii ku dhacaysa.

Warkan iyo wixi ka soo kordha kala soco Halgan Media.