Wararka laga helayo gobolka Bay ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maxbus u xirnaay Al Shabaab uu ka baxsaday xabsi ay ku lahayeen degaanka Yaaqbaraay ee gobolkaasi.

Waxana sakaay degmada Diinsoor iska soo dhiibay Cabdicasiis Abgaloow oo ahaa amiirkii Al Shabaab u qabilsanay tuulada cadaadgari oo 30 kilomitir u jirto degmada Diinsoor sida ay Halgan Media u sheegan ilo amni oo ku sugan degaanka Diinsoor.

Cabdicasiis Abgaloow ayaa sanaado badan ahay Amirkii tuulada Cadaadgari ayaa xilka laga qaaday kadib markii u khilaaf dhexmaray isaga iyo masuulyin kale oo kasareeyo kana tirsan Al Shabaab, waxana islamarkii loo magacabay hogaamiyasha kamid ah qaybta jabhada ee Al Shabaab, kadib markii uu khilaaf kale soo kala dhex galay isaga iyo xubna kale waxana loo taxabay xabsi ku yaalo degaanka Yaaqbaraay oo mudda dheer ku xirnay.

Xalay ayaa la sheegay in uu Cabdiaziz Abgaloow ka baxsaday xabsi ku yaalo degmada Yaaqbaraay sida ay sheegen ilo amni oo ku sugan Diinsoor oo hada gacanta sarkaalka ka gostay Al Shabaab kujirto, waxana la sheegay in uusan degaanka Diinsoor la imanin wax hub ah.

Halgan Media.