Maxkamad ku taala dalka Masar ayaa xukuno kala duwan ku riday in ka badan 700 oo ruux oo ka tirsan ururkii la mamnuucey ee Ikhwaanul muslimiin kuwaas oo lagu eedeeyay in ay mudaaharaadyo dhigeen ka dib markii xukunka laga tuurey madaxweyne Maxamed Mursi sanadkii 2013-ka.

Maxkamadda ayaa 75 ruux ku xukuntay dil halka 47 kale xabsi cimrigaa haku furto ah lagu riday, waxaana ku jira culimo waa weyn oo ururkaas ka tirsan.

Hayada Amnesty International oo ah urur u dooday xuquuqul insaanka ayaa go’aanka maxakadda ku tilmaamay mid cadaalad daro ah marka loo eego dastuurka dalka Masar.

Dadka la xukumay oo ka tirsan Ikhwaanul Muslimiin ayaa waxaa kamid ah hoggaamiyahooda sare Maxamed Badiic iyo xubno kale oo sar sare.

Rabshadaha ugu xumaa ayaa ka bilowday sanadkii 2013 fagaaraha magaalada Qaahira ee lagu magacaabo Rabii Alcadawiya halkaas oo ciidanka amniga ay lagu dileen boqolaal shacabka.

Maxkamadda ayaa waxaa ay ku eedeysay dadka la xukumay in ay dagaal ku qaadeen ciidanka amniga mudadii ay socdeen dibad baxyada intii u dhexeysay July 2013 ilaa Janaayo 2016 kii.

Dadka maxkamadda xukuntay ayaa sidoo kale lagu eedeeyay dil wadareed iyo fal amni daro oo ay ku jirto kicin dadweyne iyo abaabulid isu soo bax sharci daro ah.

Sawir qaade Maxamuud Abuu Zeyd oo loo yaqaano Shawkaan ayaa isna lagu xukumay shan sano oo xarig ah, isagoo lagu eedeeyay in uu sawiro ka qaaday dadkii ciidanka ammaanka ay kala ceyrinayeen, hase ahaatee waxaa loo ogolaaday in xoriyadiisa dib loo siiyo markii uu dhameystay xukunka mudadii uu xabsiga ku jirey oo dhan shan sano.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.