Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta oo Arbaco xukun ku riday Nin lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay Xarakada Al Shabaab, uuna ka howlgalayay Degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo.

Farxaan Maxamuud Xasan ayaa lagu eedeeyay la shaqeynta Xarakada Al Shabaab, waxaana maalin  kahor Maxkamadda bilowday dhageysiga kiiskiisa, isagoo kal horey isku soo dhiibay Ciidanka dowladda Federaalka ee ku sugan Balad-xaawo.

Ciidamo dharcad ah ayaa la tilmaamay inay soo ogaadeen fariimo uu eedeysane Farxaan Maxamuud la wadaagay Al-shabaab, kuwaasi oo ku aadan habka ay u shaqeynayan Ciidanka dowladda Federaalka.

Halgan Media.