Mucalimiin tiro ahaan gaareysa 500 oo macalin ayaa waxaa ay dhigeen banaan bax ay ku diidanyihiin in ay ka shaqeeyaan Ismaamulka Madheera oo Macalimiin dhowr ah ay Al-shabaab ku dileen.

Waxaa ay sheegeen in ay Naftooda u baqayaan Sababtoo ah Weeradda Joogtada Noqday ee Al-shabaab ay halkaas ka geysanayaan iyo isku dhacyadda beelaha oo ku soo laa-laabtay Gobalka NFD oo xuduud la leh Soomaaliya.

Waxaa socda Qorshe la doonayo in mucalimiin badan la isugu badalo Wadanka oo dhan, Guddiga mucalimiintuna waxaa ay sheegeen in ay macalimiintu diidayihiin in ay Mandheera ay ka shaqeeyaan.

Xaaladda Gobolka NFD ayaa waxaa ay ahayd Sanadihii la soo dhaafay mid cabsi ay la soo deristay. Al-shabaab ayaana beegsaday macalimiin aan gobolka u dhalan iyo kuwo aan muslimiin ahayn oo ka shaqaynayay Deegnadda u dhow xuduudda.

10kii Bishan ayey ahayd markii Labo macalin Al-shabaab ku dileen Deegaan hoostaga Mandhera. Sedax kuun oo Macalin ayaa laga badalay mandhera iyo Wajeer markii ay diideen in ay halkaas ka shaqeeyaan.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.