Wararka nagasoo gadhaay gudaha itoobiya ayaa sheegaya in mudaaharaad balaadhan oo kasocdo degana farabadan katirsan gobolka Canfarta.

Sida xogta aan kuhelayno dhalinta Gobolka Canfarta oo aad u abaabulan ayaa lasheegayaa inay banaanbaxyo waawayn kuqabteen meelo badan oo Gobolka Canfarta ah gaar ahaan degmada Sirfa, Awash Araba iyo Abaala.

Warka ayaa intaas kudaraya in dadwaynuhu ay kacabanayaan cadaalad darada uu ismamuulka Canfarta kuhayo shacabka, waxayna kacdoon wadayaashu sheegeen in qoomiyada Canfarta siwayn loogacan bidixeeyay isla markaana aan laga hirgalinin isbadalada kajira Itoobiya inteeda kale.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.