Wararka nagasoo gaadhaya degmada Doolo Aado ee gobolka Libaan ayaa sheegaya in saaka mudaharaad balaadhan kabilaamay degmadaasi. Mudahaaradka oo lagu diidanyahay gumeysiga itoobiya iyo gacan yara yashooda ayaa kusii fidaya inta badan gobolka Libaan.

Shaan qof ayaa dhaawaca iyo hal qof oo kalana wuu dhintay kadib markii ay maleeyshiyaadka Liyuu Bolis rasaas kufureen dibad baxayaasha. Sidan kale horaantii bishan waxay mudahaaradyo kadheceen gobolada Shiniile iyo Fafaan ee galbeedka Ogadenia

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.