Dowlada Federalka Itoobiya ayaa sheegtay in 70 muhaajiriin kasoo jeedo Itoobiya ku dhinteen badda loo yaqaano Red Sea, kadib markii labo Doomood oo ay saarnaayeen ay kula dageen xeebaha dalkaasi. Dadka u badan oo dhintaay waxaay kasoo jeedan gobolka Tigreega.

Sidoo kale dowlada Itoobiya ayaa sheegtay in weli la la’yahay muhaajiriin kale oo la socday Doomahaasi, iyadoona uu shilkan uu ka dhacay xeebta Red Sea ee dalka Jabuuti.

Muhaajiriintan oo u badnaa Itoobiyan ayaa lagu soo warramayaa in ay ku sii jeedeen dhinaca dalka Yemen. Inta badan muhaajiriinta ka soo jeeda Itoobiya ayaa safaro halis ah ku gala xeebaha dalal badan, si ay u gaaraan Qaaradda Yurub.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.