Wararka naa soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in wali laga lugbixi la’yahay qorshayaashii qaloocu kabuuxay ee kooxdii TPLF ay wadanka kaga tagay.

Sida xogta aan kuhelayno waxaa dibada usoo baxay heshiisyo hanti badan lagu lunsaday oo dhex maray saraakiil maamulkii hore ee wayaanaha katirsanaa iyo qaar kamid ah shirkadihii naas nuujinta kahaystay maamulkii wayaanaha.

Warka ayaa intaas kudaraya in uu dibada usoo baxay heshiis dhex maray maareeyihii hore ee warshadaha Abay Sahay iyo gudoomiyihii shirkada METEC Janaraal Kinfe, kaas oo ahaa in mudo 18 bilood ah lagu sameeyo 10 warshadood oo kuwa sonkorta soosaara ah.

Heshiiskan ayaa lasheegay in uu 7 sano kahor mana jirto hal warshad ah oo ilaa iyo hada ladhamays tiray waxaana dadka shacabka ah loosheegay in sanad iyo badh lagu qaban doono howshan laguna diyaarin doono 10ka warshadood.

Mashruucan ayaa lasheegayaa in lagu lunsaday 2 bilyan oo doller, waxaana ilaa iyo hada lagu wareersan yahay meel lageeyay dhaqaalahan intaas la eg ee howshii loogu talagalayna aan lagu qabanin isla markaana aan lasamaynin hal warshad ah.

Maamulka cusub ee uu hogaamiye Raysal-wasaare Abiye Axmed ayaa ka lug bixi la saamayntii musuq maasuqii kooxdii TPLF, taas oo madaxa isu galisay guud ahaan wadanka isla markaana dadkii kadhigtay mid wax boobayo iyo mid laboobayo.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.