Ciidanka cadowga Itoobiya iyo maleeyshiyaadka Liyuu bolis ka amar qaata dabadhilifka Cabdi Iley ayaa wiil kale oo dhalinyaro ah ku toogtay magalaada Qabridahare ee xaruunta gobolka Qorahay.

Wilka la dilaay ayaa kamid ahaa dadkii shalay xabsiga loo taxaabay waxaana magaciisa naloogu sheegay Xassan Sheekh Maxamed. Ciidamada gumeysiga itoobiya iyo maleeyshiyaadka Liyuu Bolis ayaa si arxan dara ah ugu toogteen wilka. Dilka iyo dhawaaca loogaysanayo shacabka Qabridahare ayaa kor usii kacaya, mana jiraan cidna lahadashay gumeysiga itoobiya iyo mamuul kusheega Cabdi Iley.

Warkan iyo wixi kaso kordho kalasoco Halgan Media.