Allaha u Naxariiste Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Wali Ciid, ayaa Xalay lagu dilay Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika.

Marxuumka, ayaa Tuugo hubaysan waxa ay ku dileen Dukaankiisa, iyagoo sidoo kalena dhac u gaystay Dukaanka durbadiina goobka ka baxsaday.

Qaar kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dalka Koonfur Afrika ku ganacsada,ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin dilka Wali Ciid, waxa ayna shegeen in uu ahaa Wiil dhalinyaro oo aad u firfircoon, isla markaana afgaaban.

Ciidamada Ammaanka ayaa la sheegay in ay wali wadaan baaritaanka ku aadan cidda ka dambeysay dilka Muwaadinka Soomaaliyeed oo kamid ahaa Ganacsatada dalkaasi goobaha Ganacsi ku lahaa.

Dilka Wali Ciid, ayaa waxa uu qeyb ka noqonayaa tacadiyada iyo dhibaatooyinka Muwaadiniinta Soomaaliyeed, loogu geysto dalka Koonfur Afrika,waxaana xusid mudan in Dowladda Soomaaliya ay ka gaabisay ka hadalka dhibaatada ku dhaceysa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku ganacsada dalka Koonfur Afrika.

Halgan Media.