Ciidamada amniga oo hawlgal qorsheysan ka fuliyay magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay xubin ka tirsan Al Shabaab oo maleegayay qaraxyo lagu waxyeeleynayo shacabka, sida uu sheegay Taliska NISA.

War kooban oo kasoo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan oo dhacay xalay aysan jirin cid wax ku noqotay.

Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka waxaa ka socda hawlgalo ay wadaan ciidamada amniga, iyagoo ku guuleystay inay ka hortagaan ururka AL Shabaab.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.