Ciidanka NISA ayaa xalay xabsiga dhigay shaqsi sheegtay in Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Qaranka ee NISA uu u magacaabay Qeybta Jubbaland.

Warkan ka soo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in shaqsigan oo lagu magacaabo Daadir Mire Ducaale uu watay warqado been abuur ah, Islamarkaana ay ciidanka amniga gacanta ku soo dhigeen xabsigana loo taxaabay.

Shaqsigan ayaa dhawaan sheegtay in loo magacaabay Taliyaha NISA ee Jubbaland, iyadoo Dowlad Goboleedka Jubbaland ay ka soo celiyeen Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maalulkaasi.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.