Luul Maxamed Isaaq waa hooyo 42 jir ah oo haysata 7 caruur ah, waxay ku nooshahay xeradda Kulmiye oo dhinaca koonfureed ka xigta degmada Doolow ee gobolka Gedo oo ay deganayd ilaa bishii June ee sanadkii hore 2019, Luul ayaa kamid ah qoysas kasoo qaxay deegaanka Nagayle ee gobolka Libaan oo ay ka dhaceen colaado u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada.

Luul iyo caruurteedu waxay ku nool yihiin guri buush ah oo ka samaysan maryo iyo kartoomo la isku tolay. ma haystaan cunto joogto ah iyo biyo ku filan waxayna ku nool yihiin cuntooyin aan joogto ahayn oo ay ka helaan dad ehelkooda ah oo deegaanka ku sugan.

Hooyadan oo iyadu keligeed korsata caruurteedda ayaa kasoo carartay colaada qowmiyadeed ee ka dhex qaraxday qoomiyadaha Oromada iyo Soomaalida, iyadoo kusoo qaxday gobolka Gedo oo dad ehelkeeda ah hore u joogeen. Luul ayaa sadexdii bilood ee lasoo dhaafay caruurteeda u geysey qoysas kala duwan oo ku nool magaalada kadib markii ay waydey raashin ay ku quudiso.

“Saddexdii bilood ee la soo dhaafay carruurtii lix ka mid ah waxaan u kala geeyey qoysas magalada ku nool oo qaraabo aan nahay, waxaan u waayey waxaan siiyo, markii intii ay igu dul dhiman lahaayeen inaan sidaas yeelo ayaa ila noqotay” ayey tiri Luul.

Luul oo ninkeeda ay kala tageen laba sano ka hor ayaa kasoo qaxday gurigeedii oo ku yaala deegaanka Nageyle oo katirsan gobolka Libaan ee dhulka Somali Galbeed.

Halgan Media ayay u sheegtay in dhamaan lacagtii ay wadatey ay kusoo raacday baabuur xamuul ah oo ay caruurteeda iyo iyadu soo raaceen kagana soo gudbeen xadka Soomaaliya iyo Somali Galbeed.

Kumanaan qoysas oo kasoo qaxay colaada qoomiyadaha ku salaysan ee Itoobiya ayaa hadda xaaladooda nololeed aad u liidataa.

Suuban Cabbey oo ah 24 jir ayaa kamid ah qaxootiga Somali Galbeed kasoo cararay, waxay ku nooshay xero ay ku nool yihiin dadka kasoo barakacay gudaha oo la yiraahdo Gaaluun, iyada iyo sadex caruur ah oo ay dhashay ayaa halkaas degan, dhowaan ayay umushay ilmaheeda ugu yar sadexda caruur ah. waxay subax walba webiga kasoo dhaamisaa biyo ay dadka kasii gado marka ay soo qaado iyadu oo halkii jirikaan oo qaada 20 litter ay ku gado 2 Kun oo shilinka Soomaaliga ah, shaqadaas ayay nolol maalmeed uga raadisaa caruurteeda hase ahaatee waxa ay ka hesho ma daboolaan nolosheeda.

“Afar jirikaan ayaan awood u leeyahay inaan soo dhaansho maalintii, qoysas magalada ah ayaan iga iibsada, wixii aan ka helo, waxaan siistaa hal mar wax carruurta aan u karsado.” ayey tiri Suuban.

Suuban odaygeeda oo lug ka naafo ah ayaa la socda, Waxay qorshaynaysaa inay ka guurto xerada ay degan tahay una guurto magaalada Luuq, si ay nolol wanaagsan u hesho, in kasta oo aysan lahayn xirfad iyo lacag midna taasoo ay adag tahay in nolosha magaalada ay la qabsato.

Qoysaska qaar ayaa duruufuhu ku qasbeen inay ka guuraan xerada Gaaluun kadib markii ay mudo bilooyin ah helin waayeen wax gargaar ah . Mana cadda halka ay ku dambeeyeen.
Maryan Maxamuud, oo ah hooyo laba carruur leh, ayaa Halagn Media u sheegtay in xerada ay kala kulmaan caqabado aad u tiro badan, kuwaasoo ay ka mid yihiin la’aanta biyo nadiif ah oo la cabo iyo cunno. Waxay sheegtay in ay wabiga u doontaan biyo ay cabaan oo kasoo dhaansadaan iyadoo biyaha webiga inta badan wasakhaysan yihiin oo aysan ammaan ahayn in la cabbo. Maryan ninkeedu waa shaqo la’aan wuxuuna aadaa magaalada oo uu marmar kasoo helo cunto ay reerka ugu soo dhiibaan dad eheladiisa ah oo magaalada degan.

Inta badan qoysaskan waxay ahaayeen xoolo dhaqato, waxayna noloshoodii xoola dhaqatanimadu ku burburtay colaada iyo dagaalada qowmiyadeed ee ka kajira deegaankoodii.

Kuxigeenka madaxa arimaha bulshada ee degmada Luuq, Cabdimajiid Xasan Cali ayaa Halgan Media u sheegay in 800 oo qoysas qaxoti ah ku sugan yihiin deegaanka Luuq kuwaas oo mudo afar bilood ah aan helin wax gargaar ah. maamulka degmada ayuu sheegay inaysan lahayn wax awood ah oo dadkaa ay ku caawiyaan.

“Waxaanu dadkaas u diiwaan gelinay qaxooti ahaan maadaama ay ka yimaadeen dal kale oo xuduud kasoo gudbeen, waxay ku sugan yihiin xaalad aad u adag, qaarkood suuqa ayay tagaan si ay wax uun usoo helaan.” ayuu yiri Cabdimajiid.

Maamulka degmada ayaa qoysaskaasi qaxootiga ah siiyey dhul ay degaan, balse ma laha suuliyo iyo dhamaan adeegyada aasaasiga ah.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media