Jabhadda ONLF ayaa sheegtay inay iskaashi la samaysatay urur la yiraahdo Somali Regional Democratic Alliance, ayna samaysteen isbahaysi lagu magacaabo Somali Coalitition for Freedom (SCF)
Waxay sheegeen in isbahaysiga cusub uu ka shaqayn doono sidii loo sugi lahaa aaya-ka-tashiga shacabka Somalida Ogadenia. Isbahaysigu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaalida Ogadenya inay danahooda u midoobaan, iskaashadaan, oo ku dhegganaadaan halganka ay xuquuqdooda ku raadinayaan.
Labada urur waxay yeesheen kulamo badan oo ay kaga wadahadleen sidii ay awoodooda u midayn lahaayeen, isla markaana u abuuri lahaayeen iskaashi u dhexeeya, si ay u xoojiyaan halganka ay ku difaacayaan danaha shacabka Soomaaliyeed, iyo ol-olaha ay ugu jiraan raadinta xuquuqdiisa, oo xaqa aaya-ka-tashigu ugu horreeyo.
Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.