Magaalada Addis Ababa ee xarunta  Itoobiya ayaa maanta laga furay Xafiiska Jabhada  ONLF, Xafladda furitaanka ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxda u saraysa Jabhada ONLF oo uu kamid yahay Guddoomiyaha ONLF Admiral Maxamed Cumar Cismaan. Masuuliyiinta Ururada Mucaaradka ah ee Itoobiya. iyo Odayaal dhaqameedka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Addis Abba.

Haddaba Xafiiskan Jabhada ONLF ee Addis Ababa ka furtay ayaa la filayaa inuu isku xidho ONLF iyo Dawladda Fadaraalka isla markaana uu qabto hawlo badan oo faa’iido u leh shacabka Somali Galbeed iyo Ururka ONLF. sidoo kale Xafiiskan ayaa ka shaqayn doona dhanka Arrimaha dibadda ee Jabhada  ONLF.

ONLF ayaa horey intii ayna bixin Xafiisyo ku lahayd Somali Galbeed iyo caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, balse Xafiisyadaas oo dhan waxay xidhmeen kaddib markii Jabhada ONLF xabadda qaatay ee uu dagaalka la galay Taliska TPLF, imika oo ay nabadda qaateen halgankiina ku badaleen qalin ayaa dib boodhka looga jafay Xafiisyadii ONLF ku lahayd Somali Galbeed iyo caasimadda Addis Ababa.

Jabhada ONLF ayaa hadda Xafiisyo ku leh meelo badan oo Somali Galbeed ka mid ah, waxaana ugu dambeeyay Xafiiska Addis Ababa oo maanta la furay.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.