Komishinka booliska oromada Alamayu Ichigu oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in dulqaadkii xukuumada oromadu uu sababay dhimashada 12 booslis ah oo 2 sarkaal kujiraan halka 77 kalana ladhaawacay, wuxuu intaa kudaray in iskudarka dilka Jabhada Oromada loo yaqaano OLF ugaysatay haayadaha amaanka Oromada uu kor udhaafayo 40 marka maleeshiyaadka lagu daro.

Alamayu ayaa sheegay in Gobolada bariga iyo galbeedka walega ay Jabhada OLF baabisay dhamaan nidaamkii dawliga ahaa ee kajiray wuxuuna intaa raaciyay in 29 shacab ahna ay halkaasi kudileen.

Alamayu ayaa intaa kudaray in Jabhada OLF ay weeraro kuqaaday xarumo booliska oromadu leeyahay islamarkaana ka dhaceen qoryaha AK 47ka loo yaqaano, dhankakale Alamayu wuxuu yidhi lama tirin karo boobka,dhaca iyo dhibaatada Jabhada OLF kuhayso shacabka oromada wuxuuna tusaale usooqaatay in hal bangi ay kadhaceen aduun lacageed oo kor udhaafaya 3 million birr oo cash ah.

Alamayu ayaa ugudanbayn sheegay in wixii hada lagabilaabo ay kuqasban yihiin inay qaadaan talaabo kasta oo lagu sugi karo amaanka Itoobiya gar ahaan gobolka Oromada.

Colaada OLF iyo OPDO ayaa umuuqata mid xadhkaha goosatay waxaana hubaal ah inaan saacadaha soo socda maqlidoono talaabooyin arimahan laxidhiidha, waxaan sidookale la-ogayn sida ay shacabka oromadu uwajihi doonaan Dagaalka OLF iyo OPDO maadaama aysan cidina qarin karin taageerada balaadhan ee Jabhada OLF kuleedahay gudaha oromada.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.