In ka badan 10 gaadiidka xamuulka qaada oo siday boqolaal kamid ah shacabka Oromada iyo agabkoodii oo ay galbinayeen ciidamada ammaanka, ayaa maanta ka gudbay magaalada Bosaaso ee xaruunta gobolka Bari ee dalka Soomaaliya.

Mamuulk Puntland ayaa go’aansatay inay dadkaan si nabad gelyo ah ugu celiso dhulkooda, maadaama magaalada Bosaso uu haatan ka socdo howlgallo sifayn ah oo lagusoo celinayo ammaanka iyo kor uqaadida bilicdeedii.

Dowladdu waxay dadkaan ku wareejindoontaa Mamuulka Somali Galbeed, iyagoo usii gudbindoona dhulka ismaamulka Oromda.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.