Wararka nagasoo gaaraya dhulka Somali Galbeed gaar ahaan gobolka Fafaan ayaa sheegaya inay xalay maleeyshiyaadka Oromada weerareen degmada Tuliguuleed ee gobolkaasi.

Ilo degaanka ah ayaa Halgan Media u sheegay inay Maleeyshiyaadka Oromada xalay kusoo duuleen tuulada Daraami oo hoos timaado degmada Tuliguuleed, kadibna gudaha tuulada ku daateen.

Islamarkii waxay Oromada bilaabeen inay rasaas ku furaan cid walba oo hor imaado, waxaana rasaasta ku dhintay hal qof, halka uu ku dhaawacmeem qof kale.

Qofka ku dhintay weerarka waxaa magaceeda naloogu sheegay Malyuun Aw Muuse oo ah islaan waayeel, ah waxaana isla weerarka ku dhaawacmay qof kale oo isna layiraa Ismaaciil Yusuf.

Maamulka Soomaalida uu fadhigu yahay Jigjiga, weli kama hadlin dadka xalay lagu laayay Tuliguuleed, waxaana muddadii u dambeysay sii kordhayay weerarada ay Oromada ku qaadaan shacabka Soomaaliyeed ku dhaqan degmada Tuliguuleed.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.