Wararka nagaa soo gadhaya gobolka Fafaan gar ahaan degmada Tuliguuleed ayaa sheegaya inay maleeyshiyaadka Oromadu xalay weerar ku qadeen tuulada Sheekh Cumar Sayiid oo hoos timaado degmadaasi Tuliguuleed.

Ilo degaanka ah ayaa sheegay inay Oromadu galeen gudaha tuulada Sheekh Cumar Sayid, kadibna bilaabeen inay rasaas ku furaan dadka shacabka oo aan waxba galabsaniin.

Wuxuuna rasaaata ku dhacay sedax qof oo shacab, waxaana markas la sheegay inay Oromada ka baxeen tuulada Sheekh Cumar Sayiid oo katirsan degmada Tuliguuleed.

Dadka ku dhawaacmay weerarka waxaa kamid Jamal Cabdillahi iyo Cabdi Ibrahim sida ay xaqijiyeen dadka degaanka.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.