Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ay Oromada xalay ku qaadeen tuulada Daraami oo kutallo duleedka degmada Tuliguuleed ee gobolka Fafaan.

Weerarka ayaa la isugu adeegsaday Hubka Fud Fudud iyo kuwa culus qaarkood, iyadoo daryan xoogan laga maqlayay qeybaha tuulada Daraami ee Gobolka Fafaan.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in shacabka Somalida ay iska difaaceen weerarkaasi, islamarkaana uusan ka dhalan wax khasaare ah. Sidoo kale Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo halkaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.