Warar kaso baxay Idacaada BBC ayaa sheegaya inuu Booliska Itoobiya ay helen qabuuro ballaaran oo ay ku jiraan 200 oo meydad ah meel u dhow xadka u dhaxeeya Ogadenia iyo ismamuulka Oromada.

Boqollaal kun oo qof ayaa ku barokacy sanaddii la soo dhaafey rabshado halkaas dhacay.

Warbaahinta BBC-da ayaa soo sheegtay in qabriga laga helay kadib markii ay boolisku baarayay gabboodfallo la sheegay inay dhaceen intii dhigya cabka Cabdi Iley uu ka talinaayay mamuul kusheega Jigjiga. 

Cabdi Iley ayaa sugaya maxkamadeyn ku aaddan gaboolfalo la sheegay inay dhaceen waqtigii uu xilka hayay. Dhowr jeer oo hore ayaa lasoo taagay maxkamad laakiin wali in marar kale lasoo taago ayaa uu u xiran yahay iminka.

Maleeyshiyaadka loo yaqaano Liyuu Booliska ayaa lagu eedeeyay in ay fuliyeen dilal ka dhacay inta udhaxeeya Ogadenia iyo ismamuulka Oromada iyo waxaana la sheegay inay asaga toos uga amar qaadan jireen dhigya cabka Cabdi Iley siidi ay BBC kuso sheegen warbahiinta ay maanta soo qoreen. 

Booliska Federalka waxay isku dayayaan inay aqoonsadaan labada boqol ee meyd ee halkaasi laga helay ayadoo ay isku dayayaan inay ogaadaan dadkaasi meydadkooda la helay kuwii ay ahaayeen.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.