Ugu yaraan 2 qof ayaa ku geeriyootay, 7 kalena wey ku dhaawacmeen qarax lala beegsaday gaari oo galabta ka dhacay caasimadda dalka Afqaanistan ee Kabul.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Nasraat Raxiimi ayaa sheegay  in qaraxaasi oo ka dhacay Deegaanka Khayr Khaana lala beegsaday Gaari ay leeyihiin Ciiddanka La-dagaalanka Mukhaadaraadka.

2 qof ayaa la sheegay inay isla goobta ku geeriyootay, halka 7-kalena ku dhaawacmeen, mana jirto koox sheegatay mas’uuliyada Qaraxaasi.

Dhinaca kale, ugu yaraan 4 qarax ayaa waxay ruxeen magaalladda Kabul 10-kii maalmood ee la soo dhaafay, iyadoo ay 30-qof ku geeriyootay, tiro kalena ku dhaawacmeen

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.