Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in goor dhoweyd halkaasi uu ka dhacay qarax miino oo nooca dhulka lagu aaso ah.

Qaraxa ayaa lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo marayay hotel Boosaaso hortiisa waxaana dhaawacyo fudud ka soo gaareen laba askari oo saarnaa gaariga qaraxu gaaray sida ay xaqiijiyeen laamaha Amniga Boosaaso.

Wararka qaar ayaa sheegaya in labada askari oo dhaawacmay ay ka tirsanaayeen ciidanka badda ee Puntland. Sidoo kale iyo haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.