Warar dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan laba Qarax iyo Weerar toos ah oo maanta lagu qaaday Barkontorool oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Ilaaladda Madaxtooyadda oo ku taalla Waddada gasha madaxtooyada ee ka timaada Isgoyska Ceel Gaabt ee magalaada Muqdishu.

Weerarka ayaa ku bilowday rasaas ragga hubaysan ay ku fureen ciidanka, iyaga oo dilay hal askari oo ka tirsanaa ciidamada Militariga, waxaana xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada Militariga iyo Xoogaga hubaysan.

Ka dib markii dagaal Culus socday Muddo dhowr daqiiqo ah waxaa qarxay gaari ay ka soo dageen ragga hubaysan, kaasi oo ku qarxay meel ku dhaw MCH-ka ku yaallo meel aan sidaasi kaga fogeyn Isgoyska Umbulutooriyadda.

Xilli uu socday dagaal culus ayaa sidoo kale Markale Qarax Labaad waxaa uu ka dhacay Kontaroolka ku yaalla dhabarka dambe ee Hoteel SYL waxaana loo adeegsaday Gaari laga Buuxiyay Waxyaabaha Qarxa.

Waxaa sidoo kale jira dhaawacyo soo gaaray dad Shacabka ah ,kuwaasoo ku sugnaa goobta uu Weerarku ka dhacay.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.