Ciidamo dheeraad ah oo kuwa Boolis ah ayaa waxaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay la geeyey xadka gobolka Hiiraan uu la wadaago Itoobiya.

Waxaana la sheegay ujeeda laga leyahay inay tahay in la joojiyo isku socodka u dhexeeyo xadka, maadaama ay dad badan kasoo galaan Soomaaliya dhanka gobolka Hiiraan.

Go’aankan ayaa ku soo beegmay xili uu cudurka Coronavirus aad ugu faafayo geeska Afrika, taas oo laga cabsi qabo inay dad badan ku nafwaayaan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.