Allaha u Naxariistee waxaa Maanta Magaalada Muqdisho Cudurka Coronavirus ugu geeriyoodey Xildhibaan khaliif Muumin Tooxoow o ka tirsanaa Baarlamaanka Maamulka HirShabeelle.

Xildhibaanka oo sidoo kale ahaa wasiiru Dowlaha Wasaaradda caafimaadka HirShabeelle ayaa kamid ahaa 9 ruux oo maalin ka hor Wasaaradda Caafimaadka ay xaqiijisay in laga helay cudurka Coronavirus.

Xildhibaanka oo sidoo kale kamid ahaa Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle ayaa intii uu ku sugnaa Magaalada Jowhar waxaa uu ka qeyb galay Shirarka Golaha wasiirada Hir-Shabeelle iyo kuwo gaar gaar ah.

Warkan iyo wixi kaso kordha kala soco Halgan Media.