Hay’adda Laan Qeyrta Cas ee dalka Kenya ayaa sheegtay in qaar ka mid ah shaqaalaheeda ay ka badbaadeen weerar lagu khaarijin lahaa, kadib markii Rasaas lagu furay Gaari ay saarnaayeen 4 ka mid ah howlwadeenada hay’adda oo marayay inta u dhexeysa deegaanada Masalaani iyo Ijaara ee maamulka Garissa katirsan gobolka NFD.

Bisha Cas ayaa xaqiijisay in weerarkaasi uu dhaawca ka soo gaaray mid ka mid ah shaqalaheeda oo la socday Gaarigaasi.

Shaqaalaha Hay’adda Laan Qeyrta Cas ayaa la sheegay in ay ku sii jeedeen deegaano ka tirsan Garissa, si ay u soo indha indheeyaan maashariicyo ay ka wadaan halkaasi.

Ma jirto illaa iyo haatan cid sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, balse inta badan maleeyshiyad hubaysan ayaa weeraro ku qaada Gawaarida isaga kala goosha deegaanadaasi katirsan gobolka NFD

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.