Kooxo hubeysan ayaa xalay laba Qof shacab ahaa ku dilay Qabalaha Dhurwaa-Haraf oo katirsan degmada Lahelow ee gobolka Doolo.

Sida ay Halgan Media u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah dablay hubaysan ayaa rasaas ku furaay laba Qof oo shacab ah kadib goobta isaga baxsaday.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inuu dilka ku salaysaan yahay aanooyin Qabiil siidi ay sheegan ilo wareedyo lagu kalson yahaay. Welina ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Mamuulka degmada Lahelow oo ku aadan dilka labada Marxuum.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa gobolka Doolo ka dhacayay falal liddi ku ah Ammaanka, mana muuqato qorshe ay wax kaga qabanayaan Mamuulka Somali Galbeed oo hoggaminayo Mustafa Cagjar.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.