Jeneral Sheekh Saif Bin Zayed Al Nahyan oo ah Ra’iisal wasaare ku xigeenka ayaa la kulmay Wasiiro katirsan xukuumada Abiy Ahmed sida ay sheegtay idaacada FANA oo ku hadasho afka Dowladda Itoobiya.

Idaacadda FANA ayaa sheegtay in labada dhinac ay kahadleen siidi loo xoojin lahaa xariirka u dhaxeeyo labada Dhinac, taas oo loo fasiri karo inay imaaraadka iyo Itoobiya soo wadaan qorshe halis ku ah Soomaaliya.

Xariirka u dhaxeeyo boqortooyada Imaaraadka iyo Gumaysiga Itoobiya ayaa sii xoogaystay, kadib markii boqorka Imaaraadka Maxamed Bin Zayiid oo Booqasho ku tagay magalaada Addis Ababa bishii 6aad ee sanadkii- 2018, kadibna uu aduun gaaraya 3 Bilyaan u wareejiyo Taliska fashilmay ee Abiy Ahmed.

Waxaa nasiib darro ah inay Soomaalida weli fahmin cayaarta ay dheelayaan imaaraadka Iyo Itoobiya, iyo wax yaabaha halista kusoo socda Soomaaliya lakiin waan u joognaa wixii kasoo kordha.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.