Rasaas aad u xoogan ayaa saaka qayba kamid ah magaalada Hargeysa laga maqlayaa ee xaruunta gobolka Waqooyi Galbeed.

Rasaasta ayaa la sheegay in laga maqlayo guri u degan yahay siyaasi Cabdiraxman Cirro oo hogamiyo xisbiga mucaaradka ee Wadani, waxaana la sheegay in rasaasta bilaabay ciidamo daaacad u ah Muuse Biixi oo ah ninka hogaamiyo maamulka Somaliland ee gobalada Waqooyiga ee Soomaaliya.

Xabada markii ay joogsaday waxa la sheegay in uu Cabdiraxman Ciiro ka guuray gurigisa ku yallo xaafada Pepsiga, isago saldhig ka dhigtay guri ku yaallo xaafada Hodan Hills sida ay baahiyeen warbaahinta maxaliga oo ka howlgallo gudaha dalka.

Muddadi ugu dambeysey, xiisad xoogan ayaa ka tagnaa Waqooyiga Soomaaliya oo la xiriiro doorashada ay qaban lahayeen maamulka Somaliland, waxayna u badan tahay haddi ay xaaladu sidan kusi socoto in uu dagaal sokeeye ka qarxo gobolada Waqooyiga oo saameen ku yeesho Soomaaliya oo dhan.

Halgan Media