Wararka nagasoo gadhaay gudaha Ogadenia gar ahaan gobolka Fafaan ayaa sheegaya in laba niin Oromo ah ayaa la xiray kadib markii lagu qabtaay ayaga oo wateen gadhi ka buuxo rasaas aad ubadan.

Labadi niin Oromada ayaa gaadhiga ku dhex maray tuulada Agaajin oo hoos timaada degmada Tuuliguleed kadib markii ay ka soo galeen magalaada Borama ee Waqooyiga Soomaaliya ayaga oo usocda dhanka degmada Jinicsani oo katirsan dhulka Somalida Ogadenia oo sii sharci darro ay Oromada ku degan yihiin.

Labada dembile oo Oromada ah oo hub la imiid gudaha Ogadenia waxaa gacaanta ku dhigay maleeyshiyaad Somali oo aad u hubaysan oo ka soo jeedo degmada Tuuliguleed ay degmadu ledahay. Sida ay ila wareed lagu kalsoon yahay xaqiijiyeen caawa ayaa gaadhiga la qabtaay oo rasaasta ka buuxo loo soo gudbiyay magalaada Jigjiga

Xaduudka beenad udheexyo Ogadenia iyo Waqooyiga Soomaaliya waxa marwalba laga soo gudbiyay “Kontraband” oo nuc walba lakiin waxa nasib darro ah inay Oromada ay hubka ka soo qataan waqooyiga Soomaaliya siidi lagu xasuuqi lahayeen shacabka Somalida ku dhaqaan xaduudka udheexyo Ogadenia iyo ismamuulka Oromada.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.