War ay faafisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Boqortooyada Sacuudi Arabia ayaa lagu sheegay in Dowladda Sacuudig in xukun Xad dil ah ay ku fulisay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Axmed Maxamed Xasan Cabdi kaas oo lagu soo eedeeyay in fal dil ah uu horay uu ugu geystay Haweeney Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Fatxiya Buulle Xasan.

Ninkaan ayaa la sheegay in uu xoog ugu galay Gurigeeda Haweeneydaas kadibna uu Tooreey kala dhacay Qoorta taas oo sababtay geerida Haweeneydaasi.

Waxaana dilka lagu fuliyay Ninkaan ay ka dambeysay kadib markii Maxkamadda Sare ee dalka Sacuudiga ay cadeyn ku fulin u heshay dacwaddii kadhanka ahayd ninkaas taas oo amartay in dil toogasho lagu fuliyo Ninkaasi.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.