Safaaradda Maraykanka ku leeyahay magaalladda Addis Abeba waxay soo saartay Digniino dhanka Ammaanka ah, waxaana dadka Maraykanka looga digay inaysan u socdaalin qeybo ka mid ah dalka Ethiopia.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in Heerka Ammaanka ee qeybo ka mid ah Ethiopia uu yahay Heerka 2-aad, waxaana Muwaadiniinta Maraykanka ee ku  sugan dalkaasi lagu booriyey  inay feejignaadaan dheeraad ah muujiyaan.

Safaaradda waxay kaloo  ka digtay inay Muwaadiniintooda u socdaalaan qeybo ka mid ah dalkaasi iyo inay Somali Galbeed kala kulmi karaan khatar Colaadeed, Argagixiso, Afduub iyo miinooyinka dhulka lagu aasay, waa sida hadalka loo dhigay.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.