Diyaarad helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada wadanka Afghanistan isla markaana sidday 25-askari oo u badan saraakiil sar sare ayaa ku burburtay Gobolka Farax ee gudaha dalka Afganistan.

Naser Mehri oo ah Afhayeenka Barasaabka Gobolka Farax ee Galbeedka  Afghanistan ayaa sheegay in laba diyaarad oo helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada dalkaasi ,kuna socday Gobolka Herart oo deris la ah Goolka Farax ay mid ka mid ah burburtay ,ka dib kolkii ay luntay xakameyntii diyaaraddaasi.

Shilka diyaaraddaasi ayaa la sheegay in ay sababeen isbaddalka  cimilada,halka Afhayeen u hadlay Taliban uu sheegay in kooxaha dagaalyahanada hubeysan ay soo rideen diyaaraddaasi. Dhinaca kale qarax ismiidaamin ah oo lala eegtay Gaari bas ah oo sidday shaqaale ayaa ka dhacay Magaalada Kabul ee Caasimadda.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.