Xogo Hoose oo ay heshay Halgan Media ayaa sheegaya in ay 9 sarkaal oo kasoo jeeda Qowmiyada  Oromada ka baxsadeen ciidamada Itoobiya. Saraakiishan ayaa waxay ka baxsadeen qaybta Koonfur Bari ee ciidamada Itoobiya.

Warku wuxuu intaas raaciyay in aagii ay saraakiishan ubaxsadeen loodiray ciidamo aad utiro badan oo ku raadjooga saraakiishaas baxasatay.

Ciidamadan ayaa hore ka tirsanaa kooxda la orin jiray OPDO ee Qowmiyada Oromada  oo qiyaas ahaan gaadhaya 40% ,guud ahaan Ciidamada Dowlada, kuwaasoo ay ku shaqaysato Gumaysiga Itoobiya, oo aad u difaaci jiray danta Taliska Itoobiya  ayaa baryahan danbe looga shaki qabaa ineey kudhex milmeen ururka gobanimo doonka ah ee Oromo Liberation Front (OLF).

Baryahan danbe ayaa waxaa aad usoo xoogaysanaya dagaalada ay kula jiraan jabhadaha hubaysan ciidamada dawlada Itoobiya, halkaasoo khasaare laxadleh loo gaystay ciidamada Gumaysiga Itoobiya ee mooraal jabka ah.

Halgan Media.