Korneeyl Tigree ah oo haystay ciidanka Diredhabe Kornayl Taklay, 3 kabatan, iyo 8 askari oo amar Cabdi Iley ay ka qaateen ugu dhacay guriga nin la yidhaa Axmed Daahir Cadde ayaa xabsiga loo taxaabay shalay.

Askartan ayaa loo xidhay kadib markii Axmed Daahir Cadde dacwooday iyadoo waliba dharkii ciidanka laga dhigay.

Askarta ayaa sheegtay in deegaanka Soomaaliddu uu soo codsaday in gurigga ninkaas loo dhacdo taas oo taliska ciidanka ee Addis Ababa ay ku tilmaameen sharci daro. Saraakiishan la qabqabtay oo Tigree u badan ayaa diidan inay sheegaan magaca jananka soo amray oo la rabo inay ku makhraati furaan. Waxaa loo maleeynayaa in jananka Harar haysta uu yahay ninka ay qarinayaan.

Waxaa kale oo 24 saac loo qabtay laba sarkaal oo Liyu Police ah oo hawlgalka guriga loogu dhacay qayb ka ahaa oo u baxsaday Jigjiga. Labadaas nin oo la kala yidhaa waydhalaali iyo Cabdiraxmaan Yamani.

 

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.