Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya sarkaal ka tirsanaa Ciidamada NISA oo xalay lagu dilay duleedka magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo oo aad lagu kalsoonan kaaaro ayaa sheegay Weerar jidgal ah ayaa xalay dhow ka dhacay wadada isku xirta caasimada Muqdisho iyo gobolka Shabellaha Dhexe

Nin lagu magacaabo Jibriil Axmed Tifoow oo la sheegay in uu katirsanaa Hayaada Sirdoonka ee NISA ayaa lagu dilay weerarka. Gaari uu watay ayaa la sheegay in wadada loo galay.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilkaasi, waxaana ay ku baahiyeen barahooda Internetka in weerar gaadma ah ay ku dileen Sarkaalka oo lagu magacaabi jiray Jibril Ahmed Tifow.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.